Madaxweynaha Cusub ee gobolka Soomaalida Itoobiya ayaa u jawaabay Daniel Berhane oo ah nin u taageersanaa TPLF kaas ka hadlay aragtadiisa ku aadan Soomaaliweyn.
Daniel Berhane ayaa baraha bulshada ku qoray shakiga uu ka qabo in gobolka ismaamulka Soomaalida ay soo celiyaan calankii hore ee ay ka muuqataa astaanta calanka Soomaaliya ee buluugga ah iyo xidigta 5-ta gees leh ee ka tarjumeysa midnimada Soomaaliweyn.
Berhane oo ah aasaasaha barta Arrimaha Geeska oo lagu taageero jabhadda xoreynta ee Tigray ayaa ku jeesjeesay go’aanka ismaamulka Soomaalida ay ku gaareen in ay soo celiyeen calankoodi hore wax uunu sheegay in arinkaasi uu u maleynayo in ay ku tiri ku teen tahay.
“Wax aan filayaa in ay ku tiri ku teen tahay, in gobolka Soomaalida ay doonayaan in ay dib usoo celiyaan calankii Soomaaliweyn iyo heestii Soomaaliweyn ee la qaadi jiray mudadii u dhexeeysay 1991 illaa 2007 taas oo waagii danbe laga tagay” ayuu yiri Berhane.
Madaxweyne Mustafa Cumar ayaa ku eedeeyay Berhane qoraalka uu soo dhigay barta Facebooka isagoo sheegay in ay dhamaatay xiligii Soomaalida lagu qasbi jiray in ay ka tagaan hidaha iyo dhaqankooda.
“Maalmihii Soomaalida lagu qasbi jiray in ay hidahooda iyo dhaqankooda iyo Soomaalinimadooda ka tagaan waa ay dhamaadeen, marnaba nalaguma qasbi karo in aan Soomaalinimadeena ka tagno” ayuu yiri Madaxweyne Mustafa Cumar.