Eden Hazard ayaa noqday laacibka saddexaad ee ugu goolasha badan Chelsea Premier League kaddib Rigooradii uu ka xareeyay Newcastle United ciyaartiis ay xalay uga adkaadeen 2-1.
Kabtanka xulka Belgium ayaa gool u badelay Rigoore lagu galay Alonso qeybtii labaad ee dheesha taa oo ka dhiganeyd inuu Blues u dhaliyay goolkii 70-aad ee Premier League.
Waxaa ka goolal badan oo qura rugcadaayadii hore ee kooxda Frank Lampard oo dhaliyay 147-gool iyo Didier Drogba uu shabaqa dhex dhigay 104-gool horyaalka Premier League intii uu u ciyaarayay Chelsea.