• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Friday, April 23, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Sections

Gudoomiye K/Xigeenka labaad ee BFS oo Kulan la Qaatay AMISOM

August 28, 2018
in Sections
0
494
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

MUQDISHO (BM) – Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Gollaha Shacabka, Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxa uu shir-gudoomiyay kulanka Guddiyada joogtada ah, kaasoo horudhac u ahaa furitaanka Kalfadhiga 4aad ee Xubnaha sharci dejinta.

Kulankaan oo ay xigaan kuwa kale oo isdaba joog ah, islamarkaana qabsoomaya maalmaha soo socda ayaa waxaa looga hadlay Ajandayaasha kulamadda xiga, kuwaasoo mid kamid ah lagu sameynayo Guddiga qaban-qaabada munaasabada furitaanka Kalfadhiga 4aad.

Mar sii horeysay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Afhayeenka Gollaha Shacabka waxaa lagu sheegay inuu kulanku furmayo 3-da bisha soo socota, laakiin haatan waxaa loo bedalay 10-ka, sida laga soo xigtay xoghaynta Gollaha.

Gudoomiye Cawad ayaa wuxuu carabka ku dhuftay in kulamada kale ee uu yeelanayo Guddiga joogtada ah ee Gollaha Shacabka loogu kala yeeri doono taliyaasha Hay’addaha amaanka ee dhismaha Aqalka Hoose, iyo saraakiisha AMISOM ee isla xarunta ku sugan.

Arrimo ku xeeran amniga xarunta Gollaha, waxa qaldnay iyo sidii wax looga qaban lahaa ciladaha jira ayuu Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Gollaha Shacabka Soomaaliya ku nuux-nuux saday inay kala hadli doonan taliyaasha amaanka dowlada iyo saraakiisha AMISOM.

AMISOM ayaa amaanka dhismaha xarunta Gollaha Shacabka lagu wareejiyay horaantii sanadkaan, gaara ahaan intii uu socday mooshinkii laga gudbiyay Maxamed Cusmaan Jawaari ee uu ku waayey xilka Gudoomiyaha Aqalka Hoose.

Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayuu qorshuhu yahay inuu furo Kalfadhiga afaraad ee Gollaha, wuxuuna ka jeedin doonaa Khudbad Dastuuri ah, taasoo uu waxyaabo badan oo xaaladda dalka ah uu kusoo qaadi doono.

Ugu dambeyn, Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Gollaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad ayaa wuxuu tibaaxay in Kalfadhiga afaraad uu noqon doono mid shaqada Baarlamaanka si fiican usocota ayna horyaalaan sharciyo badan.

Kalfadhigii saddexaad ee Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa hareeyay mooshino kala duwan, kuwaasoo mid kamid ah uu galaaftay Prof Jawaari, waxaana la sheegayaan in shaqadda Xilldhibaanadda ee Fadhigaasi ay gaabis ahayd.

Share198Tweet124Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Hindiya waxaa ka jirto xaalad adag

Hindiya waxaa ka jirto xaalad adag

April 23, 2021
Midowga Africa oo maanta kulan ka yeelanayo xaalada somaliya

Midowga Africa oo maanta kulan ka yeelanayo xaalada somaliya

April 22, 2021
Weerar hoobiyaal ah oo lagu qaaday muqdisho

Weerar hoobiyaal ah oo lagu qaaday muqdisho

April 21, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In