• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Saturday, April 17, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Sections

Xiisad Weli Ka Jirta Magaalada Baladweyne

August 29, 2018
in Sections
0
494
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Weli waxaa saan saan colaadeed laga dareemayaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo shalay ay ka dhaceen dagaal u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo Maleeshiyaad ku heyb ah Bajaale maalin kahor lagu dilay bartamaha magaalada.

Dagaalkaasi oo ka dhacay saldhigga Booliska magaalada ayaa sababay dhimashada laba ruux iyo dhaawaca saddex kale oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay aan ka heleyno magaalada ayaa waxa ay sheegayaan in weli ay jirto cabsi ku aadan in dagaal kale uu dhacop, maadaama maleeshiyaadka ay tilmaameen in aysan ku qanceyn wax aan aheyn in ay gacanta ku dhigaan askariga dilay wiilkooda oo ku jira gacanta dowladda.

Ciidamada Millatariga ayaa kala dhex galay ciidamada Booliska iyo maleeshiyo beeleedkii dagaalamayay, waxaana lagu wareejiyay ciidamada Millatariga askarigii ka tirsanaa ciidamada dowladda hoose ee magaalada Beledweyne ee dilay darawalka mooto Bajaajlaha ah.

Waxaa socota waan waan lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisada laguna soo afjaro iyadoo oday dhaqameedyada iyo waxgaradka magaalada Beledweyne ay wadaan dadaalo xoogan oo loogaga hortagayo in dhiig kale daato.

Hase yeeshee waxaa jirta in xalay magaalada Beledweyne laga dareemayay hub urursi iyo diyaargarow dagaal oo ay wadaan labada beel ee xurguftu u dhexeyso.

Sida muuqata masuuliyiinta Hirshabeelle indhahooda ma qabtaan colaada ka taagan magaalada Beledweyne, maadaama qaarkood ay ku hawlan yihiin mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Hirshabeelle, halka qaar kalena ay wadaan olole ay kaga hortagayaan mooshinka.

Share198Tweet124Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Xalay shirkoole maxaa ka dhacay

Xalay shirkoole maxaa ka dhacay

April 17, 2021
Masar iyo Jabouti oo ka wada hadlay xasiloonida geeska Africa

Masar iyo Jabouti oo ka wada hadlay xasiloonida geeska Africa

April 16, 2021
Waa kuma safiirka cusub ee Mareykanka ee Soomaaliya?

Waa kuma safiirka cusub ee Mareykanka ee Soomaaliya?

April 16, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In