Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kusoo laabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay ulajeedkiisa.
Waxa uu sheegay inuu ogaanayo xaaladda dalka iyo dadka, islamarkaana la kulmi doono qeybaha kala duwan ee bulshada.
“Dhammaan umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto waan salaamayaa, si gaar ah waxaan u salaamayaa madaxda dowladda iyo golaha wasiirrada, xildhibaannnada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliyeed, ganacsatada, ugaasyada iyo dhammaan dhalinyaradii iyo haweenka ka soo qeyb-galay soo dhoweynteeda” ayuu yiri Xasan
Xasan Sheekh oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale yiri “Waan ku faraxsanahay in 18 bil ka bacdi aan ku soo noqday magaalada Muqdisho, waxaan u imid in aan dalka xog-ogaal u noqdo, amuuraha xaaladda dadka iyo dalka waxa ay ku sugan yihiin, magaalada Muqdisho keliya ma aha waxaan tagi-doonnaa gobollada haddii alle idmo, safarkeyga waxaa uu u badanyahay xog ogaalnimmo, wareysi, dadka inaan kala war qaadannno, markaan intaas sameyno kadib ayaa wixii talo ah iyo ra’yi ah siyaasadeed aan ka hadli-doonnaa, laakin muhiimadda ugu weyn waxaa ay tahay inaan ogaado xaaladda uu dalka ku suganyahay, maadaama aan muddo ka maqnaa, dhinac walbo leh, dhinac siyaasadeed, dhinac dhaqaale leh, dhinac amni leh, kadibna wixii talo ah oo sida mustaqbalka loo quruxin karo ra’yigeyga iyo taladeyda siyaasadeed ayaan la iman-doonnaa, beyahan soo socdana kulammo badan iyo wada sheekeysi badan ayaan yeelan-doonnaa haddii alle yiraahdo’ marka kale waxaan u mahadcelinaa intii I soo dhoweysay inta dalka joogta iyo dibaddaba.”
Imaatinkiisa ayaa aheyd bilihii la soo dhaafay aheyd hadal-heynta magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka, waxaana ay dad badani is-weydiinayaan waxa uu ku soo kordhin-doona guud ahaan siyaasadda dalka.