Maamulka Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa shalay oo Khmiis ahayd xabsiga u taxaabay lix mas’uul oo ka tirsanaa maamulkii hore ee uu hoggaaminayey madaxweynihii la xiray ee Cabdi Maxamuud Cumar.
Lixda mas’uul ayaa waxaa ku jira labo wasiir oo mar sii horreysey u baxsaday dhinaca Somaliland, balse ay Dowladda Somaliland gacanta ku dhigtay xilli ay isku dayayeen inay si qarsoodi ah uga dhoofaan garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, kadibna loo gacan geliyey hay’adaha ammaanka ee dalka Itoobiya.
Xubnaha la xiray waxaa qayb ka ah wasiirkii hore ee waxbarashada Deegaanka Soomaalida Ibraahim Aadan Mahad, wasiirkii hore ee caddaaladda Cabdijamaal Axmad Qaloonbi iyo duqii hore ee magaalada Jigjiga Ibraahim Maxamed Mubaarak.
Asbuucan horraantiisii ayey ahayd markii xabsi magaalada Addis Ababa ku yaalla loo taxaabay madaxweynihii hore ee Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, kaasoo isla todobaadkan baarlammaanka deegaanka Soomaalidu ay xasaanaddii ka xayuubiyeen.
Cabdi ayaa loo haystaa gaboodfallo ka dhacay gobolka Soomaalida muddadii uu madaxda ka ahaa, iyo weliba rabshado dhiig ku daatay oo bishan August horraanteedii ka dhacay magaalada Jigjiga, kaddib markii ciidamada milateriga ee Dowladda Federaalku xoog kula wareegeen qaar kamid ah xarumaha dowaladda ee Jigjiga.