Kismayo: Wafdi uu hoggaaminayo wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha QM u qaabilsan arrimaha Somalia Micheal Keating ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Keating iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaasi sii diiran ugu soo dhaweeyay madaxda Jubbaland iyo qaar ka mid ah Madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka oo ku sugan magaaladaasi.
U jeedka Keating uu u tagay Kismaayo ayaa ah ka qeyb ka ah shir ay halkaasi ku leeyihiin Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada dalka.
Sidoo kale waxaa barqanimadii maanta magaalada Kismaato ee xarunta KMG Jubbaland gaaray madaxweynaha maamulk K/ Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo qeyb ka ah shirkaasi.
Madaxweyne Shariif Xasan waxaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ku soo dhaweeyay dhiggiisa Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.
Dhinaca kale waxaa saacadaha soo socda ee maanta lagu wadaa in uu magaaladaasi ka furmo shir gaar ah oo ay leeyihiin madaxda shanta maamul goboleed ee dalka.
Shirkan ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin siyaasadda, xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada iyo arrimo kale.
Ammaanka Kismaayo ayaa loo adkeeyay, iyadoona Ciidamo gaar ah la geeyay xarunta uu ka dhacayo shirkaasi.
Bandhiga Media 2018