• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Wednesday, January 27, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Sections

Madaxda Puntland iyo Jubaland oo hadalo kulul ka jeediyey shirka Kismaayo ee Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada

September 4, 2018
in Sections
0
492
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Kismayo (Bandhiga Media): Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ka furmay shirka madaxda maamul goboleedyada dalka Soomaaliya oo ay ka qeyb galayaan madaxweynayaasha maamulada dalka ka jira.

Axmed Maxamed Islaam, madaxweynaha Jubbaland ayaa ka sheegay xarunta shirka in madasha ay ku mideysan yihiin in loo sameeyay danaha maamulada dalka iyo dowlada federaalka Soomaaliya.

Axmed Madoobe oo shirka furay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan ka shaqeyn danaha dowlad goboleedyada, isagoo sheegay in madaxda dalka ay ku mashquulsan yihiin sidii ay iyaga kusoo laaban lahaayeen.

Wuxuu sidoo kale sheegay in shirkaasi uu yahay mid diirada lagu saarayo madaxda maamul goboleedyada tabashooyinka ay qabaan.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating ayaa goobjoog ka ah shirka maanta ka furmay magaalada Kismaayo, waana markii ugu horeysay oo qof ka baxsan madaxda maamul goboleedyada uu shirkaasi ka qeyb galo.

C/Welli Maxamed Cali Gaas, madaxweynaha Puntland ayaa ka sheegay magaalada Kismaayo ka furmay inay kaga tashanayaan arrimaha dhaqaalaha, amaanka iyo horumarinta deegaanada Maamulada dalka.

Wuxuu cadeeyay in shirka uu kusoo beegmay waqti xasaasi ah marka loo eego amaanka dalka iyo siyaasadda dalka, wuxuuna ku baaqay in loo baahan yahay in laga warhayo xaaladaha dalka.

Ujeedada ugu muhiimsan ee ay diirada ku saarayaan shirkaan ayuu sheegay inay yihiin labo arin oo ay ugu horeyso danaha qaaska ah ee dowlad goboleedyada iyo xiriirka kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya.

Waxaa kale u sheegay C/Welli Gaas in shirka ay ku lafo guri doonaan waxyaabaha ka qabsoomay heshiisyadii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya, maamul goboleedyada iyo beesha caalamka.

Cabdiweli Gaas ayaa si weyn u amaanay Micheal Keating isagoo ku sifeeyey inuu yahay nin fiican oo dabeecad leh isla markaasna mudadii ay lasoo shaqeeyeen ay ku arkeyn biseyl siyaasadeed iyo inuu rabo in Soomaaliya heerkaan laga gudbiyo.

Sidoo kale Waare ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga tashto aayaha umadda Soomaaliyeed isagoo ka digay in dalka dib loogu celiyo taariikhda uu soo maray.

Waare ayaa sheegay in dowladdii Siyaad Barre ay u dhacdaan wadatashi la’aan iyo dadkii hoggaanka u hayey oo is mooday inay dadka dhan ka fiican yihiin.

Madaxweyne Xaaf iyo Shariif Xasan ayaa la filayaa inaya iyagana daqiiqadaha soo socdo hadlaan, wixii kusoo kordhana waan idinla soo socodsiin doonaa inshaa Allah.

 

 

Bandhiga Media – 2018

Share197Tweet123Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Wasiirka Qorsheynta XFS oo la kulmay Madaxda Hay’adda TIKA iyo ganacsato Turkish ah

Wasiirka Qorsheynta XFS oo la kulmay Madaxda Hay’adda TIKA iyo ganacsato Turkish ah

January 27, 2021
Taliska Booliska oo gacanta ku dhigay nin kufsi iyo dil isugu daray gabar agoon ah

War Saxaafadeed deg deg ah ku saabsan doorashooyinka dalka

January 27, 2021
Taliska Booliska oo gacanta ku dhigay nin kufsi iyo dil isugu daray gabar agoon ah

Taliska Booliska oo gacanta ku dhigay nin kufsi iyo dil isugu daray gabar agoon ah

January 27, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In