Madaxwaynihii hore ee Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar iyo dhowr xubnood oo kale oo xukuumaddiisii kamid ahaa, ayaa markii labaad maanta oo Jimce ah la hor keeni doonaa maxkamadda sare ee dalka Itoobiya, taasoo fadhigeedu yahay magaalo madaxda Addis Ababa.
Cabdi ayaa markii ugu horreysey ee maxkamadda uu kasoo hor muuqday waxay ahyd August 29, 2018, isagoo ka dalbaday qareennada in dammaanad lagu sii daayo, maadaama uu qabo xanuunka dhiigkarka oo xabsiga aanu kusii jiri karin.
Qarreennada ayaa ku gacan sayray codsiga Madaxwaynihii Hore ee Deegaanka Soomaalida, waxayna amar ku bixiyeen in jeelka lagu sii hayo muddo labo asbuuc ah, waqtigaas oo xeer ilaalinta iyo boolisku kusoo dhamaystiri doonaan dacwadaha isaga ka dhanka ah.
Dambiyada loo haysto Cabdi Maxamuud Cumar waxaa ku jira gaboodfallo bini aadamnimada ka dhan ah oo ka dhacay gobolka Soomaalida iyo waliba in uu kaalin weyn ka qaatay rabshadihii isirka ku salaysnaa dadka badanna lagu laayey ee horraantii August ka dhacay Jigjiga iyo magaalooyin kale oo ka tirsan gobolka Soomaalida.
Milateriga Itoobiya ayaa August 7, 2018 magaalada Jigjiga ka qabtay Cabdi Maxamuud Cumar kaddib markii uu xilka iska casilay, baarlammaanka Deegaanka Soomaaliduna cod aqlabiyad leh xasaanadda xildhibaannimo uga xayuubiyeen xubno dhowr ah oo Cabdi Maxamuud kamid ahaa.