Ugu yaraan shan qof ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyey in ay ku geeriyoodeen Duufaanta Florence ee ku dhufatay koonfur bari dalka Maraykanka.
Duufaanta oo xoogaa ka deggen sidii markii hore la saadaaliyey, waxaa ka dhashay roobab mahiigaan ah iyo dabaylo ku socda xawaare aad u sarreeya oo gaystay burbur lixaad lixaad leh.
Gobollada duufaantu khasaaraha ugu badan ka gaysatay ayaa u badan kuwa xeebta ku dherersan gaar ahaan gobollada kala ah Koonfurta Carolina, Waqooyiga Carolina iyo Virginia.
Dadka dhintay waxaa ku jirey hooyo iyo ilmo yar oo ay dhashay, waxayna geeriyoodeen kadib markii uu gurigooda kusoo dul dhacay geed weyn oo ay dabayshu soo ridday.
Hay’adda Saadaasha Cimilada ee Maraykanka ayaa ka digtay daadad siyaado ah oo ka dhalan doona roobabka ay wadato duufaanta Florence.
Waa duufaantii saddexaad ee muddo bil gudaheed ah caalamku wajahayo, iyadoo ay tan ka horreeyeen labo duufaanood oo waaweyn uu ku dhuftay dalalka Philippines iyo Japan.
Culimada sayniska ayaa horay uga digay in hawada sii kululaanaysa ee dunidu khal khal gelin doonto cimilada, taas oo mararka qaar sababi karta duufaano xoog badan amase abaaro daba dheeraada.