• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Saturday, January 16, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Wararka

Dhageysi: Ifraax Axmad oo walaac ka muujisay gabdhaha da’da yar ee u dhimanaya jar-jaridda Xubnaha taranka

September 18, 2018
in Wararka
0
492
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter
http://www.bandhiga.net/wp-content/uploads/2018/09/Wareysi-Ifraax.mp3

Ifrax Axmad u doodda xuquuqda haweenka, sidoo kalena u ololeysa sidii looga hortagi lahaa gudniinka jarjarka xubnaha taranka ee gabdha da’da yar ayaa wareysi ay siisay Bandhiga Media waxay walaac kaga muujisay gabdhaha xubnahooda la jarjaryo kuwaas oo dalka kusoo badanaya.

Ifraax ayaa sheegtay iney ka murugeysantahay dhibaatada lagu hayo gabdhaha da’da yar iyadoo bishan September kaliya lasoo wariyey in ka badan Shan kiis oo ay ku jiraan gabdho walaalo ah oo u dhintay gudniinka fircooniga waxaana sidoo kale isbitaalka loo dhigay gabdho lagu sameeyey gudniinka fircooniga oo dhiig baxay, qaarkoodna xaaladooda caafimaad laga deyrinayo.

Waxaa xusid mudan in dowladda Federal-ka Soomaaliya ay ka hadashay iney ka hortageyso gudniinka firconiga sidoo kalena la ciqaabi doono cidii sameysa balse Ifraax Axmad ayaa dalbatay in laga dhabeeyo sharcigaas islamarkaana dowladda ay wax badan ka qabato sidii looga hortagi lahaa.

Ifraax ayaa horay u sameysay wacyigelin looga hortagayo in la jarjaro xubnaha taranka ee gabdha waxaana ay sheegtay iney sii wadi doonaan oo tuulooyinka iyo deegaanada fog fog  ay tagi doonaan.

Ifraax oo hadda ku sugan dalka dibadiisa ayaa bishii lasoo dhaafay ee August sanadkan 2018 waxey socdaal ku  tagaty magaalada Dhuusamareeb ee maamulka Galmudug waxeyna booqatay isbitaalka iyo waalidiinta dhashay gabar da’yar oo lagu magacaabo  deeqa taa oo u dhimatay gudniinka Fircooniga.

Ugu dambeyntii Ifraax ayaa waalidiinta dhalay gabdhaha da’da yar ka dalbadatay iney joojiyaan gudniinkaasi waxaana ay ka codsatay in ubadkooda aysan u horseedin dhibaato aduunyo iyo la noolaanshaha nolol aan la jecleesan.

 

Share197Tweet123Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Xubno ka tirsan TPLF oo maxkamad la hor keenay maanta

Xubno ka tirsan TPLF oo maxkamad la hor keenay maanta

January 16, 2021
Maxaa ka jira in ciidamada Liyuu Boolis ay dad ka afduubteen gobalka Hiiraan?

Maxaa ka jira in ciidamada Liyuu Boolis ay dad ka afduubteen gobalka Hiiraan?

January 16, 2021
Sarkaal ka soo goystay Shabaab oo lagu soo bandhigay Degmada Qoryooley

Sarkaal ka soo goystay Shabaab oo lagu soo bandhigay Degmada Qoryooley

January 16, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In