Gabar 10 sano jir ah ayaa nolosha kula tacaaleysa isbitaal ku yaala Magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan, kadib markii lagu sameeyay jirkeeda gudniinka fircooniga ah sida ay sheegtay Maryan Cabdulle oo ah gabar u ololeysa ka hortaga gudniinka fircooniga ah.
Salaado Cabdi Odawaa oo ah gabadha dhibanaha ah ee lagu sameeyay gudniinka fircooniga ayaa ku nooleyd xaafada Afar Irdoodka oo katirsan Baladweyne waxaana markii dambe loo qaaday xarun caafimaad oo hadda lagu dabiibayo xaaladeeda Caafimaad.
Axmad Maxamed Khaliif oo ah agaasimaha isbitaalka Magaalada Baladweyne ayaa xaqiijiyay in Salaado loo keenly isbitaalka iyadoo dhiig badan uu kabaxay markii lagu sameeyay gudniinka fircooniga, xidido badana la jara isniintii taariikhdu markey aheyd 17-kii september 2018.
“ Labo kamid ah xididadeeda waa lajaray waxaana ka dhashay dhiigbax farabadan markii gudniinka lagu sameeyay waxaa lagu shubay dhiig si ay dib ugu hesho dhiigii kabaxay oo xaaladeeduna dib ugu soo laabato” ayuu yiri Khalif oo ah agaasimaha isbitaalka la geeyay gabadha.
Hooyada dhashay salaad oo lagu magacaabo dhuuxo Maxamed Cabdulle ayaa sheegtay in gudniinka lagu sameeyay shalay 7-dii markeey aheyd sacadda, waxaana isbitaalka loola cararay afartii galabnimo.
Waa mid kamid ah dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee gudniinka fircooniga ah iyadoo isla isbuucan september saddex gabdhood oo kale lage sameeyay gudniinka sharci darrada ah ee fircooniga.
Gudniinka fircooniga ayaa ah caddo dhaqameed xun oo Soomaalida ku dambeeya iyadoo gabadha xubinteeda la jarjarayo marka la gudayo, deegaanada qaar lagama war qabo gabdhaha lagu gudo fircooniga mana jirto cid soo sheegta.