• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Friday, April 23, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Wararka

Maamul Goboleedyada oo ku kala qeybsan Shirka Amniga Qaranka ee Muqdisho

September 19, 2018
in Wararka
0
494
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Xog gaar ah oo ay heshay Bandhiga Media Sanatarada Aqalka Sare ee ku sugan magaalada Garoowe, xarunta Maamulka Puntland, ayaa muujinaysa in Madaxweyne Cabdiwali Gaas uu ka laabaty go’aankiisii hore ee ku aadanaa shirka Wada tashiga ee ka dhici lahaa Muqdish, kaas oo ay ku baaqday Dowladda Federaalka ah.

Arrinkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in Dowladda Itoobiya ay gacmaha ka laabatay soo fara gelinta khilaafkan, taas oo culeys siyaasadeed ku noqoneysa mowqifka Maamul Goboleedyada.

Wararka aan ka helayno Madasha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa muujinaya in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu ka codsaday Madaxda kale ee Madasha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada in ay fursad u siiyaan, inta ka dhiman bishaan, sidii uu uga soo qancin lahaa Madaxda Itoobiya iyo Kenya in ay soo fara geliyaan khilaafka u dhexeeya iyaga iyo Dowladda Dhexa.

Lama oga in dadaallada Madaxweyne Axmed Madoobe ay mira dhal noqonayaan, balse Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa ka walaacsan gaabka ku yimid Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo haatan ku jira xaalad kala guur ah, maadaama la badaley Danjire Keating, Wakiilkii kalena aan wali xilka lagu wareejin.

Xaaf iyo Waare ayaa aaminsan in arrinkan iyo mowqifka Itoobiya ee ka dhanka ah ay ka faaiideysan karto Dowladda Federaalka oo ay ku eedaynayaan in ay hoosta ka riixeyso muushinada laga wado.

Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa haatan u nugul in ay dib ula heshiiyaan Dowladda Farmaajo, sidaa dhacday dhammaadkii bisha October ee sanadkii 2017-ka xilligaas oo ay taagnayd xaaladdan oo kale, lagagana gudbay heshiiskii is afgarad ee ka dhashay Shirkii Golaha Amniga Qaranka.

Go’aanka Madaxweynaha Puntland ee ku aaddan ogolaanshaha shirka Muqdisho ayaa u fuudeynaya Ergeda Aqalka Sare ee Hirshabeelle, Galmuug iyo Konfur Galbeed in ay si deg deg ah ugu mira dhaliyaan wada xaajoodyada ay wadaan, waxaana la filayaa in aan laga war dhowrin dadaallada Madaxweynaha Jubalanad ee ku qotoma Itoobiya iyo Kenya.

Share198Tweet124Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Hindiya waxaa ka jirto xaalad adag

Hindiya waxaa ka jirto xaalad adag

April 23, 2021
Midowga Africa oo maanta kulan ka yeelanayo xaalada somaliya

Midowga Africa oo maanta kulan ka yeelanayo xaalada somaliya

April 22, 2021
Weerar hoobiyaal ah oo lagu qaaday muqdisho

Weerar hoobiyaal ah oo lagu qaaday muqdisho

April 21, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In