• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Friday, January 22, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Wararka

Madaxweynaha Hirshabelle oo la heshiiyay Dowladda Federalka Soomaaliya

September 19, 2018
in Wararka
0
492
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku dhawaaqay inuu heshiis la galay dowladda Federaalka, kaddib wada hadalo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho.

Shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdishoo ayuu ku sheegay in wixii tabasho ee jiray la dhameeyay, kaddib wada hadalo dhex maray Madaxda Maamul goboleedka Hirshabeelle iyo Madaxda dowladda Federaalka.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay inay si buuxda ula shaqeyn doonaan dowladda Federalka, isla markaana ay yeelan doonaan wada shaqeyn.

Warar ay heshay warbaahinta ayaa sheegaya in wada hadalo socday muddo afar cisho ugu dambeyn xalay la isku afgartay wixii khilaaf iyo tabashooyin jiray la xaliyo, iyadoo wada hadaladaas ay qeyb ka ahaayeen Madaxweynaha Hirshabeelle, Madaxweyne kuxigeenka, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxda dowladda Federaalka, sida Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda.

Go’aanka ka soo yeeray Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ah mid lama filaan ah, marka loo halka markii hore maamul goboleedyada ka taagnaayeen khilaafka dowladda Federaalka, waxaana muuqata in Waare uu gacan bidxeeyay maamul goboleedyadii uu la mowqifka ahaa.

Madaxweyne Waare ayaa markii uu maalmo ka hor soo gaaray magaalada Muqdisho, kana soo laabtay Kismaayo waxaa uu ku eedeeyay dowladda Federaalka inay faragelin ku heyso maamulkiisa, isagoo sheegay in ammaanka magaalada Muqdisho faraha ka baxay, Xildhibaanadana ku wargeliyay inay is ilaaliyaan.

4-tii bishan ayay aheyd markii shir ay magaalada Kismaayo ku yeesheen Madaxda dowlad goboleedka kaga dhawaaqeen inay hakad geliyeen wada shaqeyntii dowladda Federaalka, iyagoo eedeymo fara badan u soo jeediyay.

 

Share197Tweet123Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Maxey kawada hadleen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Madaxweynaha kal-fadhiga 75-aad ee Golaha Guud ee Q.M?

Maxey kawada hadleen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Madaxweynaha kal-fadhiga 75-aad ee Golaha Guud ee Q.M?

January 21, 2021
Madaxweynaha cusub ee Mareykanka oo laalay qaraaro adag oo Trump uu gaaray

Madaxweynaha cusub ee Mareykanka oo laalay qaraaro adag oo Trump uu gaaray

January 21, 2021
Taliyeyaal ciidan iyo askar xabsiga loo dhigay dilka gudoomiyihii degmada Hodon

Taliyeyaal ciidan iyo askar xabsiga loo dhigay dilka gudoomiyihii degmada Hodon

January 21, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In