• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Thursday, January 28, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo la wareegeysa Isbitaaladii danta guud ee dalka

September 20, 2018
in Wararka
0
493
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, Marwo  Fowziya Abiikar Nuur , ayaa sheegtay inay Wasaaraddu ka go’an tahay inay Gacanta ku qabato dhammaan Isbitaalladii uu Dalku lahaa.

Wasiiradda oo ku guda jirtay kormeer ay ku tagtay Isbitaalka Keysaneey ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan qaybta lagu daweeya Haweenka isku furanka ku dhaco ee  (Fistula Department) ayaa ammaan ballaaran usoo jisay howl-wadeennada Isbibaalka, waxanay sheegtay inay dedaal ka geysan doonaan sidii eedloo tayayn lahaa xarunta.

“Wasaaradda caafimaadka waxaa ka go’an in Isbitaalladii guud ay si buuxda ugu maamusho Ganateeda ugu qabato, kaalmo weynna ay u fidiso, marka waa wax noo wada yaalla, aad baanan ugu faraxsanahay inaan idinla kulmo”, ayay tiri Marwo Fowziyo.

Marwo  Fowziyo ayaa u mahad celisay shaqaalaha Isbitaalka iyo hay’adda Bisha Cas oo door Lixaad leh kasoo qaadatay Dawada, shalabaynta iyo Gacan ku haynta howlaha kala duwan ee Isbitaalka.

Wasiirradda ayaa sidoo kale ka hadashay dhibaatooyinka isku furanka uu ku hayo Gabdhaha Soomaaliyeed, waxanay intaa raacisay inay qorsheynayso sidii dhaqaale lagula tacaalo loogu raadin lahaa.

Waxay sheegtay wasiirraddu inay qorsheynayaan sidii siku furanka loogu heli lahaa ka hortag iyo wacyi gelin ballaaran si loo yareeyo Khatarta naf ahaaneed eeka iman karta xanuunkan, iyadoo intaa raacisay inay inay dhibaatadani inta badan soo wajahdo Gabdhaha da’ada yar.

Wasiir Fowziyo ayaa sheegtay in Gabdhaha bukaanka ah ee la Il daran xanuunkan isku furanka ee ku jira Isbitaalka Keysaneey in ay yihiin kuwo aad u da’ yar, isla markaana ka faquuqmay bulshadii ay la noolaayeen, waxanay ku cel-celisay inay xil iska saari doonto sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada haysata.

Share197Tweet123Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Dowladda Kenya oo baaq u soo dirtay dowladda Federalka kana digtay in lagu eedeeyo arrimaha gudaha Somalia

Dowladda Kenya oo baaq u soo dirtay dowladda Federalka kana digtay in lagu eedeeyo arrimaha gudaha Somalia

January 28, 2021
Golaha Midowga Musharaxiinta oo kulan deg deg ah ka yeeshay caburinta dowladda

Akhriso: War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Murashaxiinta oo looga hadlay arrimaha doorashada

January 28, 2021
Wafdi ka socda dowladda oo gaaray Balad Xaawo

Wafdi ka socda dowladda oo gaaray Balad Xaawo

January 28, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In