• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Sunday, April 18, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Wararka

Soomaaliya oo ogolaatay in ay kamid noqoto axdiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda Naafada

September 20, 2018
in Wararka
0
492
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Golaha Wasiirrada Xukuummadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa kulan ay  ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay ku oggolaadeen in dawladda Soomaaliya ay kamid noqoto Axdiga qaramada midoobay ee xuquuqda dadka naafada ah kaas oo golaha ay usoo gudbisay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS, Aadan Isxaaq, ayaa sidoo kale sheegay in shirka oo uu guddoominayay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre lagu ansixiyay istaraatiijiyadda wacyi gelinta Qaranka iyo tubta amniga iyo caddaaladda loogana dooday qorsha cusub ee amniga, sharciga taya-dhawrka, hab-raaca heshiisyada iyo hantida ma guurtada ah ee dawladda.

Xukuummadda federaalka Soomaaliya oo ku dadaalaysa in qof kasta oo Soomaali ah uu helo xuquuqda uu xaqa u leeyahay ayaa qorshaynaysa in ay qayb ka noqoto dadaallada loogu jiro in dadka baahiyaha gaarka ah qaba ay helaan xuquuqdooda.

Axdiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda dadka naafada ah, ayaa lagu ansixiyay xarunta qaramada midoobay ee New York December 13, 2006, waxaana dalalkii ugu horeeyay ay saxiixeen March 30, 2007.

Share197Tweet123Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Xalay shirkoole maxaa ka dhacay

Xalay shirkoole maxaa ka dhacay

April 17, 2021
Masar iyo Jabouti oo ka wada hadlay xasiloonida geeska Africa

Masar iyo Jabouti oo ka wada hadlay xasiloonida geeska Africa

April 16, 2021
Waa kuma safiirka cusub ee Mareykanka ee Soomaaliya?

Waa kuma safiirka cusub ee Mareykanka ee Soomaaliya?

April 16, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In