Soomaaliya oo kamid ah dalalka ku bahoobay ururka Goboleedka IGAD ayaa qeyb ka aheyd aas-aaskii ururka sanadii 1986-dii oo ujeedka loo aas-aasay uu ahaa mideynta dhaqaalaha iyo dowlada wanaaga.
Aasaasayaashi ururkaasi waxay ahaayeen wadamada kala ah Djibouti, Ethiopia, Somalia, Sudan, Uganda iyo Kenya, waxa dib oga soo biirtay 1993 Erteeriya oo markaas ka xoroowday Itoobiya, waxaa kaloo dib kaga soo biiray koonfurta Suudaan 2011-kii markii ay ka madax banaanida ka qaadatay Sudan.
Taariikhdu markey aheyd 13-kii bisha 9-aad ee 2016 waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya lagu qabtay markii ugu horreeysay Shirkii 28-aad ee aan caadiga ahayn ee sanad laha ee IGAD.
Soomaaliya oo xaalado adag ay ka jiraan ayaa diiradda saareysa siyaasadeeda gobalka sanadahan dambe, waxaana xusid mudan in Soomaaliya ay kamid ah tahay dalalka ugu saameynta badan ururka dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha.
Ururka IGAD ayaa qabtay shirar kala duwan oo looga hadlayo xaaladda Soomaaliya wixii ka dambeeyay burburkii dalka, waxaana dalalka ku bahoobay ururkan ay taageero siin jireen dowladihii dalka soo maray balse hadda Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday mid taa ka duwan.
Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa kaalin buuxda ka qaadatay nabadeyta dalalka Ereteria iyo Jabuuti oo dagaal iyo colaado u dhaxeeyeen sanado badan.
Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb qaadatay nabadeynta dalka Koofurta Suudan waxaana Madaxweyne Farmaajo uu goobjoog ka noqday shirkii bishan September lagu qabtay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya halkaa oo mucaaradka iyo saraakiisha dowladda ee Koofurta Suudaan ku heshiiyeen.
Maanta xaalka waa uu ka duwan yahay sida uu ahaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay oo dowladda Soomaaliya ayaa aqbashay ciidan nabad ilaalin ah iney u dirto dalka colaadaha ka jiraan ee Koofurta Suudaan si loo nabadeeyo, waxaana ay aqbashay soo jeedin ururka IGAD katimid oo aheyd in dalalka ku bahoobay ururka in ay ciidan u diraan dalkaasi.
Qoraal ka soobaxay urur goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay ayaa lagu amaanay dowladda Soomaaliya doorka ay ka qaadaneyso horumarka iyo isku keenidda wadamada Africa gaar ahaan kuwa IGAD katirsan.
Soomaaliya ayaa dib u hanatay xeriirkii kala dhaxeeyay Eretria sidoo kale waxey qeyb ka aheyd in nabad la dhex dhigo labada dal ee Eretria iyo Jabuuti.
Kaalin muuqata oo aan la dafiri karin ayeey ka ciyaareysaa Soomaaliya dalaka IGAD xili dhawaan ay ku biirtay wadamada ku bohoobay Suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA) taa oo sahleysa in Soomaaliya ay hesho ganacsi furan oo xor ah.
Wadamada IGAD ayaa aad u soo dhaweeyay kaalinta muuqata ee Soomaaliya ka qaadaneyso xiligan adag dalalka bariga iyo geeska Africa oo qaarkood abaaro iyo xaalad nabad galyo xumi wajahaya, iyadoo ay xusid mudantahay in xaalado amni iyo kuwo bini’aadanimo ay ka jiraan Soomaaliya.
U gaar ah Bandhigamedia