• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Saturday, January 16, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Wararka

Taliska Booliska oo ka hadlay shaqsiyaad loo soo qabtay dilal ka dhacay Muqdisho

September 21, 2018
in Wararka
0
492
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Jeneraal Cabdullaahi Xasan Bariise oo ah Taliyaha Hogaanka canshuuraha ee ciidanka booliska ayaa sheegay in howlgallo gaar ah lagu soo qabtay  eedeysanayaal kala duwan oo falal dil ah oo 24-kii saac ee aynu ka soo gudubnay ka geestay  caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Jeneraal  Bariise ayaa xusay in gacanta lagu soo dhigay 8 eedeysane oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen falal dil ah oo ka dhacay agagaarka Digfeer ee Muqdisho, kuwaasi oo ku jira gacanta ciidanka booliska isla markaana ay ku socoto baaris

Saddex qof oo uu ku jiro  kii xabadda dhashiikaha ku riday  marxuum lagu dilay agagaarka Seeybiyaano oo ay dileen ciidan la socday nin sargaal sare ah ayaa sidoo kale la soo xiray

Sidoo kale Jeneraalka ayaa sheegay in Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay eedeysanihii geystay dilka marxuum shalay Muqdisho lagu dilay, isla markaana la gubay, kuwaasi oo iminka ay ku socoto baaritaanno dheeraad ah.

Taliyaha Hogaanka canshuuraha ee ciidanka booliska Jeneraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa xusay in kiiska gabartii lagu dilay Jaamacadda Soomaaliya faraceeda Baar Ubax loo soo xiray waardiyeyaashii Jaamacadda iyo macalinkii xiisadda ku jiray.

“Kiiska afaraad waxa uu ahaa gabartii lagu dilay Jaamacdda, runtii ciidanka Booliska markuu tegay waxaa loo soo xiray arrintas, sida aad la socotaan Jaamacaddu waa ay weyntahay, hal erid ayay leedahay, halka irid waxaa jooga ciidan waardiyeeya, ciidankaas waardiyaynaya waxa loo dhigay Albaabka waxay ahayde in Jaamacadda iyo waxa ku jira ay amnigooda sugaan, maadaama Jaamacadda la soo galay labo nin oo bistooladu ku hubeysan wajigooduna uu duubanyahay dileena marxuumadda, waxaan gacanta ku soo dhignay ciidankii waardiyaynaayay ee amniga loo igmaday Jaamacadda, Macalinkii u yeeray maadaama ay maanta Jimco ahayd ardayadda iyo eedeysanayaal kale, baaris ayaa ku socoto, waxaana rajeynayaa in qofkii ugu dambeeyay ee falkaasi geystayna in gacanta lagu soo dhigi doono”

Share197Tweet123Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Xubno ka tirsan TPLF oo maxkamad la hor keenay maanta

Xubno ka tirsan TPLF oo maxkamad la hor keenay maanta

January 16, 2021
Maxaa ka jira in ciidamada Liyuu Boolis ay dad ka afduubteen gobalka Hiiraan?

Maxaa ka jira in ciidamada Liyuu Boolis ay dad ka afduubteen gobalka Hiiraan?

January 16, 2021
Sarkaal ka soo goystay Shabaab oo lagu soo bandhigay Degmada Qoryooley

Sarkaal ka soo goystay Shabaab oo lagu soo bandhigay Degmada Qoryooley

January 16, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In