Cristiano Ronaldo waxa uu ku jiraa xaalad xasillooni darro ah kaddib markii uu Lionel Messi go’aansaday in uu ka qeybgalo xafladda lagu bixinayo abaalmarinta laacibka ugu wacan FIIFA.
Ronaldo waxa uu ka tagay Real Madrid xagaagan taas oo keenta in uu ka tanaasulo xifaaltankii 10-ka sano ahaa ee kala dhexeeyey Lionel Messi.
10kii sano ee u dambeeyey Ronaldo iyo Messi waxa ay ku dagaalamayeen xiddigga ugu wanaagsan aduunka iyaga oo min shan Ballon d’Or heesta.
Hase ahaatee, waxa ay hadda wajahayaan cabsi uga imaaneysaa khadka dhexe ee Real Madrid Luka Modric.
Laacibka reer Croatia waxa uu dhawaan qaaday abaalmarinta laacibka ugu wanaagsan Europe taas oo uu Portugal-ka ka dhiidhiyey.
Ronaldo waxa uu go’aasaday in uusan ka qeybgalin xafladdii lagu caleemo saarayey Luka Modric.
Lionel Messi isaga kama soo muuqan saddexdii ugu dambeeyey.
Yeelkeede, Ok Diario waxa ay qortay in Lionel Messi go’aansaday in uu ka qeybgalo xafladda FIIFA Player of the year.
Taas waxa ay keentay sida la warinayo in go’aanka Messi walaac ku abuurtay Ronaldo.
Warbixinta waxa ay sheegeysaa in xiddigga Juventus ka caga jiidayo ka qeybgalidda xafladda.
Waxa uu Ronaldo aaminsan yahay in Luka Modric markale ku guuleysan doono, sidaas daraadeed uusan dooneyn wajihidda saxaafadda.
Dhinaca kale Ok Diario waxa ay sheegtay in Ronaldo u carreysan yahay maamulka FIFA.