War qoraal ah oo ka soobaxay xafiiska madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa lagu sheegay in la xaliyay khilaafkii u dhaxeeyay madaxda maamulka Galmudug, waxaana uu ka hor yimid heshiis nabadeen ah oo magaalada Muqdisho la isugu yeeray madaxda maamulkaasi.
Madaxweynaha Galmudg ayaa sheegay in uu tixgelinayo soo jeedinta Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo aheyd in Muqdisho lagu xaliyo khilaafka u dhaxeeya madaxda Galmudug, balse qoraalka ayaa lagu sheegay in wixii ka dambeeyay 18-kii bishan September la xaliyay khilaafkii u dhaxeeyay madaxda maamulkaasi.
Dhawaan ayeey aheyd markii beelo hubeysan ay isku dagaaleen deegaano katirsa maamulka Galmudug.
Akhriso: warqadda laga soo saaray Xafiiska Madaxweynaha Galmudug.