Madaxwaynaha Turkiga Rajap Dayyip Erdogan ayaa sheegay in 65% uu adeegsado qalabka dalkiisu sameeyo ee hawlgalka difaaca,sida ay sheegtay warbaahinta dalkaasi.
Erdogan oo ka hadlayay bandhiga loogu magac daray (Teknofest) ayaa sheegay in Turkey ay la kulmi lahayd caqabado waawayn intii lagu guda jiray hawlaha Turkey ee gudaha iyo dibaddiisa
Waxaa Erdogan kulankan uu ka sheegay in guusha ay gaartay kaliya suurtagashay markii ay Turkey ay isku baddishay dalka soo saara technology-da.
Waxa isaga oo hadalkiisa sii wata uu yiri”Ilaa iyo inta aan sii ahaanayno kaliya kuwa adeegsada technology ga, ma dhabayn karno madaxbanaanideena meel kasta,” .
Erdogan ayaa waxa uu sheegay in shuruuda ugu horreysa ee madaxbanaanida dhabta ah ay ka imanayso qaabeynta, soo saarista iyo dhoofinta technology-yada, Bandhiga (Teknofest) oo socon doono 4 maalmood,ayaa waxa soo abaabulay waaxda (Technology) ga ee Turkey ee (T3) iyo maamulka magaalo ee Istanbul, waxana ujeedadiisu ay tahay in kor loo qaaddo oo la muujiso horumarka technology-da Turkey ee si dhaqso badan u kobcaya.
Teknofest, oo furmay Khamiistii, ayaa muujinaya muuqaalka hawada, bandhigyada duullimaadka, tartanno tiknoolajiyadeed, siminaaro ku saabsan tiknoolajiyada, iyo shirarka ganacsiga caalamiga ah, oo ay weheliyaan hawlo kale.
Bandhigan waxaa horseed u ahaa shirkadaha difaaca technology- ga ee Turkey sida Aselsan, Baykar, IGA, Isbak, Roketsan, TAI, Turkish Airlines, TUBITAK iyo TURKSAT, waxaana lagu soo bandhigi doona in lagu tartamo tobonaan waxyaabood oo kala duwan.