Barcelona ayaa barbardhac aanan loo baahneen waxay la gashey dhigeeda Girona kulan ciyaareed qayb ka ahaa horyaalka La Liga ee fasal ciyaareedkan.
Ciyaartii dhex-martey kooxahani oo ahayd mid aad ucusleed ayaa kusoo dhamaatey natiijo dhan 2-2, mana jirin koox guusha ay dhankeeda martey.
Bluagrana waxay jabtey markii Casaan laga siiyey laacibka lagu magacaabo Clement Lenglet, kaasi oo jidaha ka qasey daafacyadda Barca.
Ernesto Valverde, maamulaha Barca oo saxaafadda u waramey kadib kulankani wuxuu afka ku balaariyey inay natiijadani gacantooda ay ku sameysteen.
“Waxay tahay wax aan inaga gacamaheena ku sameysanay. Waxaan nasiib u yeelan wayney inan ilaashano shabaqeena,” ayuu yiri Valverde.
“Marka, waxaan sheegayaa in Girona ay tahay koox ku dheesha wax aanan niyad jab leh, waxayna yihiin kuwa mar kasta duulaan ah,” ayuu hadalkiisa kusoo xirey.