Waxaa maanta xariga laga jaray dhismaha xafiis cusub oo hay’adda UNICEF ku yeelaneyso magaalada Muqdisho oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya iyo Madaxa Bariga iyo Koofurta Africa ee Hay’adda Unicef.
Waxaa manta wixii ka dambeeya gudaha Soomaaliya u soo wareegay shaqaalahii ku howlgali jiray dalka Kenya ee u shaqeynayay xafiiska UNICEF ee Soomaaliya, waxaana muuqata in loo hogaansamay baaqii dowladda ee ahaa in dalka ay ku holwgalaan ha’ydaha ka shaqeeya arrimaha Soomaaliya ee Kenya xafiisyada ku leh.
Madaxda Bariga iyo Koofurta Africa ee Hay’adda UNICEF Leyla Bakar ayaa sheegtay in Muhiimad gaar ah ay leedahay arrintan.
Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo ah Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaayay in micno weyn dalka ugu fadhiso xafiiska Soomaaliya ee Unicef oo si rasmi ah in dalka uga shaqo bilaabayo, isla markaana uu shaqo abuur ay u noqon doono Muwaadiniinta.
Hay’adda UNICEF waxey Soomaaliya ka caawisaa kala shaqeynta arrimaha Biyaha, Caafimaadka, Nafaqeynta, Haweenka iyo dhalaanka, waxbarashada iyo ilaalinta bulshada.