Dowladda Soomaaliya ayaa Saddex heshiis oo lagu hormarinayo Dhalinyarada Soomaaliyeed waa ay la saxiixatay dalka Qatar, kaa oo ka dhacay magaalada New York ee dalka Mareykanka.
Heshiiskan oo ah mid muhiim u ah dhalinta Soomaaliyeed waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Marwo Sheikha Moza bint Nasser oo ah Guddoomiyaha Golaha Xoghayeyaasha Hey’adda Silatech.
Fursado shaqo oo gudaha ah ayuu abuuri doonaa heshiiskan hadii loo hergeliyo sidii loogu talagalay waxaana hadda qorshuhu yahay in shaqo loo abuuro 75,000 oo kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka.
Dhawaan Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani oo ah Amiirka Dalka Qatar ayaa saxiixay labo Heshiis oo hore ay u wada galeen Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar kuwaasoo kala ah Mashruuca Adeega Duulimaadka iyo Iskaashi dhinaca Caafimaadka.