Jose Mourinho waxa uu kabtannimada ka qaaday Paul Pogba.
Waxaa soo baxay warar la’isla dhex qaadayo oo sheegaya in ciyaaryahanada hortooda laga caddeeyey in Pogba mar dambe noqon doonin kabtanka kooxda kaddib hadaladdii uu sheegay kulankii Wolves kaddib.
Mournnho wuu diiday in uu caddeeyo sababta waxa uuna ku adkeystay in uuusan jirin khilaaf cusub.
Hase ahaatee Mourinho waxa uu xaqiijiyey in Pogba sii ahaan doonin kabtan ku xigeenka Antonio Valencia kaddib guuldaaddii xalay ka soo gaadhay Derby County.
“Runta kaliya ayaa ah in aa qaatay go’aanka ah in Paul ahaan ku xigeenka kabtan mar dabe,” ayuu Mourinho u sheegay Sky Sports News.
“Laakiin ma jiro isku dhac. Gebi’ahaanba ma jirto dhibaato. Isla qofka go’aansaday in Paul ahayn kabtan ku xigeenka mar dambe waa isla qofkii go’aansaday in Paul ahaado kabtan ku xigeenka, waa aniga.
“Waxaan ahay maamulaha, waxaan sameeyaa go’aanadan, ma jiro gebi’ahaanba isku dhac, ma jityo dhibbaato, kaliya hal go’aan oo aysan ahayn in aan sharaxo.”