Tababare Valverde Ernesto Valverde ayaa daaha ka qaaday liiska ciyaartoyda Barcelona caawa ka qeyb gali doonta kulanka horyaalka La Liga ee dalka Spain ay ku booqan doonaan Leganes.
Clément Lenglet oo kulankii lasoo dhaafay qaatay kaarka roosaha ayaa kulanka caawa ee Leganes ku seegi doona ganaax.
Hadaba liiska Ciyaartoyda uu ku dhawaaqay tababare Ernesto Valverde si uu kala hortago kulanka caawa ee Leganes ayaa kala ah:
Goolhaaye: Ter Stegen, Jasper Cillessen.
Difaacyada: Samuel Umtiti, Gerard Piqué, Jordi Alba, Nélson Semedo, Thomas Vermaelen, Sergi Roberto.
Khadka Dhexe: Busquets, Philippe Coutinho, Ivan Rakitić, Arthur Melo, Vidal.
Weerarka: Messi, Suarez, Ousmane Dembélé, Malcom, Munir El Haddadi.