Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo ku sugan dalka Mareykanka gaar ahaan magaalada New York ee dalka Mareykanka kana qeyb galaya shirweynaha Qaramada Midoobay ayaa Beesha Caalamka ka codsaday taageero dhaqaale oo horleh oo la siiyo ciidamada Kenyatiga ah ee Soomaaliya ka howlgala.
Uhuru Kenyatta ayaa tilmaamay in ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya in ay u baahan yihiin dhaqaale lagu horumariyo hawlgalkooda, isagoo sheegay in ay wajahayaan caqabado badan.
Kenyatta oo madaxda deeg bixiyeyaasha kulamo gooni gooni ah la qaadanaya ayaa waxa uu ku doodayaa in ciidamada Kenya ee kamika ah Amisom in ay kaalin ka qaadanayaan xasiloonida dalka Soomaaliya balse aan heysan dhaqaale ku filan oo ay uga hortagaan dhamaan caqabadaha culus ee horyaal.
Dhowr jeer oo hore madaxweynaha Kenya ayaa baaq kan lamid ah u diray madaxda Beesha Caalamka, Midowga Yurub, Qaramada Midooby si dhaqaale dheeri ah loogu siiyo ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya.