Tababaraha kooxda Juventus Allegri ayaa xalay weerarkiisa ku soo wada bilaabay Cristiano Ronaldo iyo da’yarka reer Argentina ee Paulo Dybala.
Isbuucyadii la soo dhaafay ayaa la baahiyay in xiriirka Ronaldo iyo Paulo Dybala uusan ahayn mid wanaagsan, laakiin Dybla ayaa sheegay in haatan wax walba ay soo hagaageen.
Wuxuu sheegay in xiriirka kala dhexeeya Ronaldo uu soo hagaagayo maalmahaan dambe haddii ay ahaan lahayd tababarka iyo kulamada Juventus.
Kadib guushii xalay Juventus ay ka gaartay Bologna ayuu yiri Paulo Dybala:
“Xiriirka igala dhexeeya Ronaldo waa mid soo hagaagaya dhanka tababarka iyo kulamada kooxda ee aan sida wada jirka ah u ciyaarno”.
“Waxaan isku dayaa inaan ka caawiyo sidii uu gool u dhalin lahaa, sidoo kale kooxda oo dhan darteed ayaan u ciyaarayaa, muhiim iima ahan qofka goolka dhaliyay haddiiba aan guulaysano”.