U qaabilsanaha arrimaha ciidanka ee safaaradda Italy iyo saraakiil kale ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko waxaana kulanka uu ahaa mid looga wada hadlay sidii Talyaaniga u taageeri lahaa ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Intii kulanka uu socday waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo kuwa Booliska Talyaaniga, waxaana dowladda Talyaaniga ay balan qaaday qalab iyo khibrad ku soo kordhin doonto Booliska dalka.
Safiirka Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya Danjire Carlo Campanile iyo u qaabilsanaha arrimaha ciidanka ee Safaaradda Taliyaaniga ee Soomaaliya ayaa waxa ay shahaado sharaf guddoonsiiyeen Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kaasi oo ku muteystay dadaalka iyo waxqabadka muuqda ee uu ku sameeyey ciidanka.