Cabdi Maxamuud Cumar oo ahaa madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo xilka laga qaaday islamarkaana xabsiga loo taxaabay ayaa Dowladda Itoobiya ka dalbaday in la cafiyo.
Cabdi Cumar iyo xubno katirsan maamulkiisii oo markii saddexaad la soo taagay maxkamadda iyadoo loo heysto eedeemo waa weyn ayaa sheegay in Ra’isul wasaaraha Itoobiya uu ka codsanayo in dhamaantood xabsiga laga sii daayo.
Muddo 42 maalmood ah ayey xirnaayeen isaga iyo xubno maamulkiisa ka mid ahaa, waxaana dacwad oogeyaashu dalbadeen in loogu daro toban malamood oo kale oo dheeraad ah, si ay u soo dhamaystiraan eedaymaha ay ku soo oogayaan.
Waxyaabaha loo heysto waxaa kamid ah in ay ku xadgudbeen arrimaha xuquuqda aadanaha iyo iney dileen dad badan ciidamadii daacadda u ahaa Cabdi Cumar kuwaa oo fulin jiray amaradiisa oo boqolaal qof lagu dilay.
Xaakimka maxkamadda ayaa si adag ula hadlay dacwad oogeyaashii ka socday xeer ilaalinta, “ma waxaad doonaysaan in sannad ay jiitanto arrintan.Hpore waxaan idiin siinnay fursadihii aad dalbateen in aad doonaysaan. Tobankan maalmood marka ay dhamaadaan waa in aad la timaadaan eedeymaha iyo caddaymaha dacwaddiinna” ayuu yiri xaakimku.
Isbadallo wa weyn ayaa ka dhacay dalka Itoobiya waxaana kamid ah in madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida xilka laga qaado oo xasbi loo taxaabay, dadka darsa arrimaha Itoobiya ayaa sheegaya in ay adagtahay cafinta Cabdi Cumar, maadama hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ay taageersanyihiin kaliya in Itoobiya maxkamadeyso.