Shirka tubta siyaasadda loo dhanyahay oo ay qeyb ka ahaayeen Beesha Caalamka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana shir gudoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.
Hannaanka geeddi socodka doorashooyinka 2020, dib u eegista dastuurka, sugidda amniga, hirgelinta adeegyada aasaasiga u ah bulshada ayaa looga hadlay shirkan.
Ra’isul wasaare Kheyre ayaa beesha caalamka ka dalbaday in Soomaaliya ay ka taageeraan fulinta qorshayaasha qaran ee lagu gaarayo doorashada iyo arrimaha muhiimka u ah dowladnimada, waxaana uu u mahadceliyay dowladaha iyo hay’adaha Soomaaliya taageeray gaar ahaan dhanka miisaaniyadda.
Dawladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in meel wanaagsan uu marayo qaabkii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho qof iyo cod ah si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay go’aan uga gaaraan aayaha dalka, loogana maarmo in masiirka dalka wax laga waydiiyo dad kooban, waxa uuna intaa raaciyay in samaynta xeerka doorashada uu meel wanagan marayo.
Bandhiga Media 2018