Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa qaabilay wafdi ka socda golaha Aqalka Sare gaar ahaan guddigii loo xilsaaray xalinta khilaafaadka maamul goboleedyada.
Kulanka oo looga hadlay sidii Hirshabelle iyo Dowladda Federalka wada shaqeyn buuxda u dhexmari laheyd ayaa diiradda lagu saaray waxa ay salka ku heyso tabashada madaxda Hirshabelle waxaana goobjoog ka ahaa kulankan Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen,Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Hirshabelle.
Guddiga Aqalka sare ee gaaray Hirshabelle waxaa hogaaminaya hogaaminayay Senatar Maxamed Xuseen Raagge,Senatar Mustafa Qodax,Naciimo Maxamed Yuusuf iyo qaar kale, waxaana ay sheegeen in Hirshabelle ay diyaar u tahay in dowladda Federalka ay la shaqeyso,waxaana sidoo kale ay dalbadeen in la joojiyo khilaafka ka dhexjira madaxda Hirshabelle.
Dhawaan Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo Muqdisho ku sugnaa ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay waxa uu ku sheegay in dowladda Federalka ay xalisay tabashooyinkii ay qabeen ka maamul ahaan islamarkaana ay heshiiyeen.