Kulanka caadiga ah ee xildhibaanada golaha Shacabka ayaa maanta lagu qabanayaa magaalada Muqdisho, waxaana aad loo adkeeyay amniga halka ay ku shirayaan xildhibaanada.
Xildhibaanada maanta waxey ka doodi doonaan sii wadista ka doodista xeer hoosaadka Golaha Shacabka ee baarlamaanka oo shalayna laga dooday.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Golaha Shhacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan ayaa shir gudoomin doona kulanka oo ah kalafadhiga afaraad waxaana ay xildhibaanada mid mid uga doodayaan Xeer hoosaadka ee Golaha Shacabka.
Gudoomiye Mursal ayaa xildhibaanada ku eedeeyay kulankii shalay in kooramka uusan buuxin sidii la rabay waxaana uu ka dalbaday in ay soo xaadiraan dhamaantood si shaqooyinka horyaalla ay u gutaan.