Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dawlada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Salaad (Oomaar) oo ay wehliyaan sii hayaha Maareeyaha Hay’ada Duulista Hawada Mudane Axmed Macalin ayaa ka qeyb galay Shirka Aasaaska Amniga Hawada Dawladaha Carabta oo lagu qabanayo magaalada Jiddaha ee dalka Sacuudiga.
Wasiirka ayaa sheegay in arrinta lagu xaqiijinayo Amniga Hawada Dawladaha Carabta uu yahay mid Muhiimad gaar ah u leh umadda Soomaaliyeed Maadaama ay dhowaan dib u soo ceshatey Dawlada Federaalka Soomaaliya Maamulkii Hawada Soomaaliya.
Sidoo kale wasiirka ayaa kulan gaar ah la yeeshay madaxa Shirkadda Saudi Airlines, waxaana madaxa Shirkadda isku afgarteen in si deg deg ah uga wada hadleen si Shirkadda Saudi Airlines loogu furo khadka Soomaaliya iyo iskaashi guud oo labada dal dhexmara.