Shirkii Golaha wasiirrada xukuummadda federaaka Soomaaliya oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdishi waxaa shir gudoominayay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.
Shirka oo ah mid todobaadle ah waxa ay wasiiradda dood dheer kadib ku ansixiyeen go’aan khuseeya hay’adaha caalamiga ah oo dhawaan ay soo saartay wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.
Waxaana Go’aanka uu yahay mid mamnuucaya in hay’adaha caalamiga ah ee ka hawl-gala gudaha Soomaaliya ay xafiisyadooda khuseeya arrimaha dalka ay ku yaallaan meel ka baxsan gayiga Soomaaliya.
Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, , oo August 29, 2018 kulan la qaatay madaxda hay’adaha caalamiga ah ee dalka ka hawl-gala ayaa ku war-geliyay ga’aan ay dawladdu qaaday oo dhigaya in dhammaan hay’adaha caalamig ah ay xafiisyadooda ka furtaan gudaha dalka, kuna shaqo billaabaan kahor Janaayo 01, 2019, isaga oo ku wargeliyay in hay’addii u hogaansami wayda go’aanka dawladda lagala laabanayo ruqsadda.
Qorshaha hawl-gelinta xafiisyada hay’adaha caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa fududaynaya dardar-gelinta hawlaha isku tolan iyo wada-shaqaynta hay’adaha iyo dawladda federaalka Soomaaliya
Bandhiga Media 2018