Danjire Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee France ee Soomaaliya Marwo Aline Kuster-enager.
Safiiradda France ee Soomaaliya u qaabilsanaan doonto ayaa lagu magacabaa Aline Kuster-Menager waxaana safiiradda ay sheegtay in dadaal ballaaran ku bixin doonto sidii ay sare ugu qaadi lahayd xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo France u dhexeeya oo ay gaarsiiso heer aad u sarreeya.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo kulanka la qaatay safiiradda waxa ay labada dhinac kaga wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda France sidii lagu horumarin lahaa wax u adeegaya dana wadaagga labada dal iyo labada shacab ee saaxiibada ah.