Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle oo ku sugnaa Muqdisho markii xildhibaano ku dhaw 60 ay ka gudbinayeen Mooshin xilka looga qaadayo ayaa shalay gaaray magaalada Jowhar, waxaana uu kulan la qaatay xildhibaanada iyo gudoonka Hirshabelle ee mooshinka ka keenay.
Muddo saacado ah ayuu socday kulanka waxaana uu ku soo dhamaaday Isfahan, iyadoo gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed uu la hadlay warbaahinta una sheegay in Xildhibaannada Hir-Shabeelle ay ka noqdeen Mooshinkii laga keenay Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabelle Maxamed Cabdi Waare.
Lama oga waxa rasmiga ah oo ay isku fahmeen balse warar hoose ayaa sheegay in Waare uu ku qanciyay xildhibaanada inuu siinayo jagooyin kala duwan iyo lacag dheeri ah.