Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo booqasho rasmi ah ku tagay dalka Sacuudi Carabiya ayaa kulan la qaatay boqorka dalka Sucuudiga Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud.
Kulanka oo ka dhacay qasriga Boqortooyada waxaa looga wada hadlay hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Sucuudiga, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasaddaa.
Inta uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ku sugan yahay Sacuudiga waxa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda Bangiga horumarinta Islaamka oo ay ka wada hadlayaan horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, maal-gelinta iyo dib-u-habaynta ballaaran ee lagu sameeyay hannaanka maamulka maaliyadda dalka.