Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle waxaa gaaray Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre ,waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Safarka Ra’iusl wasaare Kheyre ee Jowhar ayaa la sheegay in ay tahay sidii uu u dhagax dhigi lahaa mashaariic magaalada Jowhar laga hergelinayo waxaana kamid ah dhismaha xarun uu yeelanayo Baarlamaanka Hirshabeelle, dhismaha wadada isku xirta Garoonka diyaaradaha iyo magaalada Jowhar.
Amniga magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay sidoo kale ra’isul wasaaraha ayaa wata ciidamo gaar ah oo Muqdisho ka tagay kuwaa oo saakay waqti hore gaaray magaalada Jowhar.