• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Friday, March 5, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Wararka

Akhriso: War-murtiyeedka kulan ay Muqdisho ku yeesheen Wasiirada Arrimaha Dibadda Somalia, Itobiya iyo Eretria

October 17, 2018
in Wararka
0
492
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Ereteriya Mudane Osman Saleh Mohammed iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Itoobiya Mudane Workneh Gebeyehu ayaa booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho, Soomaaliya 17kii Oktoobar, 2018.

Booqashadani waxay qayb ka tahay iskaashiga dibloomaasiyadeed ee u dhexeeya saddexda dal iyo wadahadallada muddooyinkii danbe socday kaddib heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee saddexda hoggaamiye ku dhexmaray magaalada Asmara, bishii Sebteembar, 2018.

Intii booqashadu socotey, Wasiirrada waxaa qaabbilay Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, waxayna salaan ugu tageen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,kuwaas oo salaan uga siday Madaxweyne Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaare Abiy AhmEd. Sidoo kale Wasiirada waxay wadahadallo la yeesheen Ra’iiaul wasaare Xasan Cali Khayre.

Intii ay wadahadalladu socdeen, hoggaamiyeyaashu waxay isla soo qaadeen heshiiskii saddex-geesoodka ahaa ee dhigayey in la iska kaashado dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga, waxayna dib u xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan nabadda, xasilloonida iyo horumarka Geeska Afrika.

Hoggaamiyeyaashu waxay sidoo kale tixgeliyeen tallaabooyinka togan ee hore loo qaaday kaddib markii la gaaray heshiiska saddex-geesoodka ahaa, kuwaas oo ay kamid tahay dib u furista xuduudda Itoobiya iyo Ereteriya iyo dib u soo celinta duullimaadyada tooska ah ee isaga kala goosha caasimadaha saddexda dal.

Iyaga oo metelaya madaxdooda, Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee dalalka Ereteriya iyo Itoobiya waxay ku celiyeen taageeradooda xooggan ee ku wajahan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed.

Wasiirradu waxay bogaadiyeen horumarka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay dadaallada dib loogu habaynayo waaxyaha dhaqaalaha iyo amniga iyo guud ahaan horumarka laga sameeyey dhammaan dhinacyada kala duwan ee siyaasadeed.

Wasiirrada Arrimaha Dibeddu waxay tixgelinayaan dadaallada dib u habayn ee ummadda Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalka, iyaga oo xusay kalsoonida kobcaysa ee Beesha Caalamku ku qabto hay’adaha Dowladda Soomaaliya.

Wasiirradu waxay mar labaad sheegeen in Ereteriya iyo Itoobiya ay garab istaagi doonaan shacabka Soomaaliya iyo hoggaankiisa maaddaama ay rajo fiican u yihiin dib u soo kabashada qaranka. Waxay idil ahaan Beesha Caalamka ugu baaqeen inay si midaysan u taageeraan dadaallada Dowladda Federaalka ee ku aaddan in la hirgeliyo isbeddelka lagama maarmaanka u ah soo kabashada Soomaaliya ee wakhtiga fog.

Wasiirrada Ereteriya iyo Itoobiya waxay dhammaan dhinacyada ay khusayso ee gudaha iyo dibedda ugu baaqayaan inay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Hoggaamiyeyaashu waxay mar labaad hoosta ka xarriiqeen sida ay uga go’an tahay amniga, barwaaqada iyo xasilloonida gobolku, iyaga oo dib u adkeeyey dhawridda madaxbannaanida dhuleed iyo tan siyaasadeed ee saddexda dal.

Ugu dambayntii, Wasiirrada Arrimaha Dibeddu waxay ka mahadceliyeen martisoorkii loo sameeyey iyaga iyo waftigii la socdey.

Share197Tweet123Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Bankiga Dhexe oo ka hor yimid diidmada lacagta 50$ amarna siiyay Bankiyada dalka

Bankiga Dhexe oo go’aan ka soo saaray diidmada lacagta 50$

March 4, 2021
Ma dhici doonaa shirkii ay maanta ku ballansanaayeen xukuumadda iyo midowga musharaxiinta

Ma dhici doonaa shirkii ay maanta ku ballansanaayeen xukuumadda iyo midowga musharaxiinta

March 4, 2021
Soomaali tahriibayaal ah oo ku dhintay Xeebta Bariga Afrika ee Jabuuti

Soomaali tahriibayaal ah oo ku dhintay Xeebta Bariga Afrika ee Jabuuti

March 4, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In