Muwaadinad Soomaaliyeed oo lagu magaabo Sahra Maxamed Khalif ayaa ku gulysatay iney kamid noqoto xubin golaha deegaanka ee magaalada Leuven ee dalka Belgium ka dib markii ay heshay cod gaaraya 772, waana 21 jir.
Xisbiga loo yaqaano Socialist Party (SPA) ee u janjeera garabka bidix kana mid ah xisbiyada ugu waa weyn ee Belgium ayey u sharaxneyd Sahra.
Waa markii ugu horeysay oo qof Soomaaliyeed uu xil ka qabto dalka Belgium, sidoo kale Sahra waa gabar da’yar waxaana doorashadaan ayaa waxaa ka qayb-galay ilaa iyo todobo (7) xisbi. Ciddii ku guuleysto ayaa jagadaan hayndoonto muddo lix (6) sanno ah.