Xili ay wali socdaan baaritaanada lagu hayo dilkii loo geystay saxafiga Jamal Khashoggi oo heer gabo gabo ah maraya hadda ayaa Mareykanka waxa uu cambaareeyay cadaadiska sii kordhaya ee dunida ay ku hayso boqortooyada Sacuudiga ee ku saabsan saxafiga la waaayay Jamal Khashoggi.
Trump ayaa sidoo kale sheegay in eedeynta loo soo jeedinayo boqortooyada ka hor inta aan xaqiiqada la ogaan ay tahay mid muujinaysa kiis kale oo ah in iyada oo aan la cadayn dambiga lagu qirayo.
Mr Trump ayaa sheegay in dhaxalsugaha uu dafiray in uu wax ka ogaa wax aka dhacay gudaha qunsuliyada Sacuudiga ee Stanbul labo taddobaad ak hor.
Waxa jira warar aan la xaqiijin oo tibaaxaya in xukuumadda Sacuudiga ay isu diyaarinayso in ay qirato in saxafigan la dilay xilli baaritaan iyo su’aalo waydiin lagu guda jiray.