Munaasabad kooban oo lagu dhagax dhigayay dib u dhiska Masjidkii Suuqa Afleyrshe ee degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho,waxaa ka qeybgalay C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir Masjidka Taariikhiga ah ee Suuqa Afleershe oo ku yaala dagmada Boondheere ee gobalka Banaadir ayaa la dhagax dhigay kaa oo in muddo ah burbursanaa si dib u dhis loogu sameeyo.
Waxaa dhagax dhigan ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay wasaaradda Awqafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya,guddoomiyaha Gobolka Banaadir,xildhibaano,safiirka dowladda Qadar u fadhiya Soomaaliya iyo madaxa Hay’adda Qatar Charity ee Soomaaliya oo hirgelinaysa mashruuca dib u dhiska masjidka Cabdinuur Xaaji Cali.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow ayaa uga mahadceliyay Hay’adda qadar Charaty oo maalgelinaysa dib u dhiska masjidkan shacabkuna ugu baaqey in ay baneeyeen dhulkaasi.
Masjidkan kuyaala Suuqa Afleershe Xaafadda Daljirka ee degmada Boondheere ayaa la dhisay sanadka markuu ahaa 1932,iyadoo uu kamid yahay xarumaha danta guud oo sanadihii ugu dambeeyey burbursanaa.