Wafdi ka socda Dowlada Turkiga oo hogaaminayay Taliyaha Ciidanka Booliska gaarka ah ee Dalkaasi Selami Türker ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho.
Wasiirka Amniga soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa kulan la qaatay taliyaha sidoo kale waxaa kulan xog isweydaarsi ay wada yeesheen taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed iyo taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen.
Safarka taliyaha Turkiga ee Muqdisho ayaa ah mid aan horay loo shaacin waxaase xusid mudan in kulanka diiradda lagu saaray wada shaqeyn dhexmrata labada dhinac iyo sida ugu wanaagsan oo lagu taageeri karo Booliska Soomaaliyeed.