Xarunta Golaha Shacabka waxaa goordhaw ka furmay kulanka 16-aad ee Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kaa oo looga doodayo hindie sharciyeedka hanta dhowrka guud ee Qaranka.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa shir gudoominaya kulanka waxaana sidoo kale goobjoog ah Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad.
Waxaa sooxaadirat kulanka 147 xildhibaan iyadoo Ajendihiisu yahay Seddex qodob oo kala ah.
Aqrinta labaad ee hindise sharciyeedka wax ka badalka sbarciga hanti dhowrka guud ee Qaranka.
Qeybinta, aqrinta labaad ee hindise sharciyeedka Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka.
Qeybinta wax ka badalka xeer hoosaadka golaha shacabka.