Heshiis laba geesood ah oo magaalada Asmara ee dalka Eretria ku yeesheen dowladda Itoobiya iyo Jabhadda ONLF ayaa lagu kala saxiixday heshiis dhowr qodob ah.
Cabdiqaadir Xasan Hirmooge (Cadaani) oo ah afayeenka ONLF ayaa xusay in qodobada lagu heshiiyey ay ka mid yihiin in colaada la joojiyo iyo in ONLF ay sii wadan karto halgankii iyo ujeedooyinkeeda.
“Waxaan xusi karaa in ONLF iyo dowladda Itoobiya isku afgarteen in ujeeddooyinkii iyo barnaamijkii siyaasiga ahaa iyo hadafkii ONLF ay si nabadgelyo ah u sii wadato iyadoo aanan waxbo ka baddalin ” ayuu yiri afhayeenka ONLF.
Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan ururka ONLF ka saartay liiska argagixisada si loo ambaaqado dib u heshiisiinta, nabadda iyo isbaddalada kasocda dalkaasi.