Safiirka Soomaaliya u magacowday dalka Sudan ayaa la kulmay Madaxweynaha Dalka Suudaan Mudane Cumar Xasan Al-bashiir isagoo ka gudoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo.
Mudane Cabdi Risaaq Axmed Shoole iyo Albashiir ayaa waxa ay kawada hadleen xeriirka soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada dal iyo sidii safiirka uu u gudan lahaa howlaha loo igmaday.
Munaasabadan kooban ee Warqadaha looga Guddoomayay Safiir Cabdirisaaq Axmed Shoole ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Lataliyaha kowaad ee Safaaradda Cusmaan Axmed Maxamed iyo Nasro Maxamed Axmed oo ah Uqeybsaha Arrimaha Waxbarashada ee Safaaradda.