Dawladda Shiinaha ayaa xariga ka jartay Buundada aduunka ugu dheer ee Badda laga sameeyo, taas oo gaaraysa 55-KM.
Buundo gaareysa 55-KM ayaa dowladda Shiinaha waxa ay ka hergelineysaa Badda taa oo noqoneysa buundada ugu dheer ee la sameeyo.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dalka Shiinaha waxa buundadan ay isku xeri doontaa Honkong iyo Zhuai-Macau waxaana loo sameynayaa farsamo cajiib ah marka loo eego Maraakiibta Badda gooshaysa amaba ay hakiso Duulimaadka garoonka Hongong oo ay u dhawdahay.
2009-kii ayaa la soo bilaabay dhismaheeda waxaana ku baxay aduun lacageed oo gaaraya 4-bilyan oo Doller, balse Shiinuhu waxa uu rajaynayaa inay noqoto kaabe dhaqaale oo aad looga faa’iido.
Buundadan waxa ay 20-jeer ka dheertahay midda ku soo xigta ee San Francisco ee Golden Gate, waxaana ay 7-KM hoos martaa Badda, iyadoo sii maraysa jasiirado lagu hakan karo.