Madaxweynaha turkiga Rajab Dayid Erdogan oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu sheegay in dilka Wariye Jamaal Khasoqji uusan aheyn mid lama filaan ah waxaana uu sheegay in la sii qorsheeyay waqti hore.
Turkiga oo la ogyahay in uu xog dheeraad ka hayo sida uu u dhacay dilka Wariyaha ayaa ka gaabsaday in uu soo bandhigo muuqaal iyo cod ay hayaan sida ay warbaahintu warisay kal hore.
Sacuudiga ayaa warar kala duwan ka sheegay kadib markii Wariyaha la waayay 2 October taa oo shaki badan abuurtay waloow markii dambe ay qirteen islamarkaana xabsiga la dhigay 15 qof oo dilka lala xeriirinayo.
Hadalka ka soobaxay Madaxweynaha Turkiga ayaa ku martii furaya qoyska Boqortooyada Sacuudiga maadama Jamaal uu ahaa wariye dhaliila qoyska maamula Sauudiga.
Waxyaabaha layaabka leh waxaa kamid ah in aan la haynin meydka Wariye Jamaal Khashoqi taa oo meesha ka saareyso waxyaabo badan oo tuhun keeni kara.