Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay Shirweynaha Teknolojiyada oo looga hadli doono hal-abuurka teknolojiyada iyo sidii ay Soomaaliya heer ugu gaari laheyd hanaanka caalamiga ah ee dunida looga shaqeysto.
Wasiirka wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Eng Cabdi Cashuur Xasan ayaa si rasmi ah shirka u daahfuray waxaana ka soo qeybgalay gudoomiyaha gobalka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan iyo mas’uuliyiin kala duwan.
wacyiga isgaarsiinta iyo teknolojiyada ee dalka ayaa sare u sii kacaya, iyadoo tani ay tahay dhacdadii 4aad ee labo toddobaad gudahood lagu qabto magaalada Muqdisho kuwaa oo looga ahdlayo arrimaha teknolojiyada.
Eng Canshuur Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya wuxuu sheegay in Wasaaraddu waddo hawlo badan oo isbeddelo muuqda looga sameynayo isgaarsiinta iyo teknolojiyada, iyadoo qaar ka mid ah hawlahaas lagu guuleystay, kuwa kalena ay socdaan sida dajinta xeer-nidaamiyeyaal lagu nidaaminayo suuqa, mideynta adeegyada dawladda ee eGovrenment, iyo dhiirri-gelinta hal-abuurka.